Somali

Macluumaad ku saabsan SGN 

Waxaan ilaalinaa shabakada gaaska ee koonfurta Dalka Ingiriiska iyo dhammaan Scotland. Waxaan ilaalinaa dhammaan tuubooyinka gaaska ee ku jira dhulka hoostiisa iyo ilaa mitirkaaga/qalabkaaga cabbirka gaaska.

Gaaska ku qulqula dhammaan tubooyinka waxaa iska leh adeeg-bixiyahaaga. Haddii aad wax su'aalo ah ka qabto biilashaada ama qalabka cabbirka gaasta, adeeg-bixiyahaaga gaaska ayaa ku caawin kara. Waxaad adeeg-bixiyahaaga gaaska ka heli kartaa  www.findmysupplier.energy.


Badbaadada Gaaska 

Haddii aad uriso wax aad u malaynayso inuu gaas yahay, si degdeg ah u wac Adeegga Gurmadka Gaaska Qaranka 0800 111 999
 

Kaarboon monoksaydh (Carbon Monoxide)  

Haddii aad ka shakisan tahay in heerar sare oo kaarboon monoksaydh ah ay ku jiraan gurigaaga, raac tillaabooyinkan:
   
1.    Fur dhammaan albaabbada iyo daaqadaha
2.    Qof kasta u kaxeey meel ay ka jirto hawo saafi ah
3.    Adeegga Gurmadka Gaas ka wac 0800 111 999

Haddii qof uu suuxo ama ay ka muuqdaan astaamo daran, raadso caawimaad caafimaad adigoo wacaya 999 ama 112. 

 

Turjun websaydkan

Waxaad websaydka SGN u turjumi kartaa luqadda aad doorbideyso. Fur Tuulbaarka ReciteMe guji astaanta calanka oo dooro luqadaada.
 

Shaqo Qorshaysan

Haddii aan ka shaqayno aaggaaga, waxaad wax badan oo ku saabsan waxa aanu qabano iyo sida ay kuu saamaynayso ka ogaan kartaa boggayaga shaqada gaaska. 

 

Caawinaad Dheeraad ah

Waxaan u heellannahay inaan ilaalinno diirannaanta iyo badbaadada macaamiishayada. Waxaan bixin karnaa caawimaad dheeraad ah, oo lacag la'aan, oo aan siinayno dadka u baahan taageerada mudnaanta leh ha noqoto mid ku meel gaar ah ama mid muddo dheer ah. Waxaad wax badan oo ku saabsan caawimaadda la heli karo ka ogaan kartaa halkan. 

Diiwaanka Adeegyada Mudnaanta (PSR) wuxuu naga caawiyaa inaan aqoonsanno macaamiisha u baahan taageerada mudnaanta leh ee xaaladaha degdegga ah ee gaaska. Markaad iska diiwaan geliso adeeggan bilaashka ah, waxaad heli doontaa caawimaad dheeraad ah haddii aadan qabin adeegga gaaska, sida tas-hiilaadka kululaynta iyo wax karinta ee bedelka ah.  Wax ka ogow sida Diiwaanka Adeegyada Mudnaanta uu kuu caawin karo.

 

Khadka Luuqadda 

Kooxaheennu waxay marin u heli karaan Khadka Luuqadda, qalab ka caawin kara inay macaamiisha kula xiriiraan luqado kala duwan. Haddii aad u baahan tahay inaad qof la hadasho, waxay ku dadaali doonaan inay ku caawiyaan iyagoo isticmaalaya luuqadaada.     
 

Nala soo xiriir 

Wada sheekaysiga tooska ah iyo WhatsApp waa habka ugu dhakhsaha badan ee lagula hadlo kooxda macaamiishayada waxayna kuugu soo jawaabi karaan luqadaada. Fariin WhatsApp ah noogu soo dir 07490 077 649 ama bilow wada-sheekaysi onlayn ah adigoo gujinaya sumadda wada sheekaysiga ee ku taala dhinaca midig ee shaashaddaada.

Siyaabaha kale ee aad noola soo xiriiri karto, booqo bogga Nala Soo Xiriir.